Qaxooti Yamaniyiin ah oo soo gaaray deegaano ka tirsan Puntland

Reading Time: < 1 minute

Waxaa magalaada  Boosaaso iyo degaano ka tirsan Puntalnd  xalay soo gaaray Qaxooti Yemeniyiin ah, oo ay weheliyaan dad Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo laabtay, kuwaas oo ka soo cararay colaadda ka aloosan waddanka Yemen.

Sida lagu sheegay  war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland, ayaa lagu sheegay in dekedda Boosaaso ay xalay soo gaareen, dadkan oo ka kooban Qaxooti Yemeniyiin ah iyo dad Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo noqday.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa dekedda ku soo dhoweeyay dadkan oo gaaraya 80 Qoys, kuwaas oo u badan Carruur iyo Haween, waxaana loo gudbiyay Xarunta qaabiladda Qaxootiga ee Boosaaso. Muddooyinkii u dambeeyay waxa magaalada Boosaaso ku soo qul-qulayay Qaxooti Yemeniyiin ah  iyo dad Soomaaliyeed oo ka soo cararay colaadda ka jirta dalkaasi Yemen.