Qax ka bilowday Degmada Guriceel iyo Qeybo ka mid ah Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Wararka la soo sheegayaa in xalay ilaa saaka uu barakac xoogan ka socdo degmada Guriceel , taas oo ay Jimcihii la soo dhaafay ay la wareegtay Ahlu Sunna Waljamaaca.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa bilaabay inay isaga barakacaan guryahooda, iyaga oo cabsi ka qabo in dagaal uu ka dhaco Guriceel, maadaama laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Dadka haatan ka barakacaya Guriceel ayaa gaaraya deegaanada ku xeeran degmadaasi, waxayna u badan yihiin caruur iyo haween, waayo inta badan dagaallada Somaliya cidda ugu badan ee wax ku noqotaa cidina aaney u nixin waa haweenka iyo carurta.

Xaaladda guud ayaa marka la eego yare deggan, hayeeshee labada dhinac ayaa wada abaabul xoogan iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Xiisaddani ayaa ka sii dartay, markii Ahlu Sunna ay la wareegtay magaalooyin ka tirsan Galmudug, waxaana ugu dambeeyey deegaanka Ceeldheere oo aan wax badana u jirin caasimadda Dowlad Gonoleedka Galmudug ee Dh/Mareeb.

Axmed Qoorqoor ayaa waxaa hadda ku soo baxay khaladaadkii ay geiyeen Xanada Cali Kheyre iyo Farmajo oo aan si macno leh heshiis ula gaarin Ahlu-sunna iyo Qoorqoor oo  ku mashquulay sidii uu Farmajo kursiga ugu hayn lahaa, balsa maanta kiisa ayaa khater ku jira.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!