Qax ka bilaawday Muqdisho & diyaaradaha ka baxa Muqdisho oo boosas laga la’ yahay!

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo ay isa soo tarayaan khalalaasaha  siyaasadeed ee ka dhashay doorashada Soomaaliya  iyo walwal laga qabo in magalaada Muqdisho uu markale ka qarxo dagaal, kaas   oo ay adkaan doonto in la joojiyo, ayaa waxa magalaada Muqdisho si dadban uga bilaawday qax.

Dadka ay u sahlan tahay in ay dalka ka dhoofaan, kuwaas oo isugu jira Qurba Joogta, ehelada madaxda dowlada Federaalka iyo ajaaniibta ka shaqeeyso Soomaaliya ayaa bilaabay inay si deg deg  ah uga dhoofaan Muqdisho inta ay xaalada degan tahay.

Waxaa maalinba maalinta ka dhanbeeysa sii adkaanaya helitaan tikidhada looga dhoofo magalaada Muqdisho iyada oo ay diyaaraduhu ay gabi ahaan ba buuxaan, ayna adag tahay in kuraas laga helo.

Mid kamida raga ka ganacsada tikidhada ayaa u  MOL sheegay in maalmihi u dhanbeeysay uu aad u badanayo dadka doonaya ay iibsadaan tikidhada diyaaradaha. “Ma garanayno sababta laakiin dhamaan diyaaradaha ka baxa magalaada Muqdisho, gaar ahaan kuwooda aadaya dalka Kenya  iyo qaybo kamida goboloda dalka ayaa gabi ahaanba buuxa, qofkii raba in uu safro waa in uu sugaa dhowr maalin si uu u helo boosas ama kuraas ”ayuu ninkaas ka ganacsada tikidhada diyaaradaha.

Cabsida ka jirta magaalada Muqdisho ayaa sare u sii kacday ka dib markii ay Musharaxiinta ku Midowday Madasha Mudowga Musharaxiinta ay ku dhawaaqeen in ay dhisayaan gole ku meelgaar ah oo dalka looga taliyo maadaama doorashadii dalka  ay ku dhamaatay fashil.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!