Dowlada Turkiga oo ahayd dowlad shacabka Soomaaliyeed karaamo iyo qadarin u hayaan ayaa waxa ay gashay booskii dowlada Itoobiya (TPLF) ugu jiri jirtay Soomaaliya taas oo ah inay faragalin ku sameeyso siyaasadda gudaha ee dalka isla makaana cida ay u aragto inay ka tarjumeyso danahooda ay dalka madax uga dhigaan.
Waxaa muuqata in dowlada Qatar ku qanciysay dowlada Turkiga in ay badasho siyaasadeedii dhexdhexaadnimada, Isla markaana ay si wadajira uga shaqeeyaan sidii Madaxweynaha waqtiigiisa dhaamaadayFarmaajo xukunka dalka loogu sii hayn lahaa.
Dowlada Turkiga ayaa waxa ay keentay magalaada Muqdisho la-taliyayaal gaar ah oo dowlada Farmaajo kala talinaya arimaha ciidanka, siyaasadda iyo qaabkii uu ugu sii nagaan lahaa hogaanka dalka. Qarashka ku baxaya faragalinta Turkiga ee siyaasadda Soomaaliya waxaa bixinaysa dowlada Qatar.
Dowlada Qatar ayaa diyaarisay miisaaniyad lagu iibsanayo kooxaha ku bahoobay Midowga Musharaxiinta iyaga oo ka tanaasuli doona hamigooda madaxweynanimo isla markaana taageeri doona dib u soo noqoshada Farmaajo. Qaar kamida Midowga Musharaxiinta waxa horay loo geeyay dalka Qatar. MOL ayaa dhawaan idiin soo gudbin doonta warbixin buuxda oo ku saabsan qorshaha Dowlad Qatar ka damacsan tahay mucaaaradka dowlada Farmaajo.
Su’aasha u baahan in la isweydiiyo ayaa ah maxaa talo u ah shacabka Soomaaliyeed oo ku hoos noolaa mudo shan sano ah xukunka kaligii taliyaha Farmaajo? Mar hadii la iibsaday Midowga Musharaxiinta? Maxaa talo ah?