Qatar oo sheegtay inay bixinayso lacagtii lagu xiray heshiiska Farmaajo & Rooble

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Qatar ayaa horay u balan qaaday in dowlada Federaalka siinayo lacag cadadkeeda  lagu sheegay $12 Milyan oo doolar.

Bixinta lacagtaas ayaa lagu xiray heshiis ay gaaraan Farmaajo iyo Rooble. Sida ila xog’ogaal ah noo xaqiijiyeen, saacad ka hor ayaa loo sheegay Farmaajo in lacagtaas la soo Dayn doono dhawaan.

Dhanka kala, galabta ayaa ay ahayd markii qaar kamida hogaanka dalka Qatar ay qadka taleefanka kula hadleen Farmaajo iyo Rooble iyaga oo ku adeeyay inay heshiiyaan. MOL ma helin xogta rasmiga ah ee madaxda Qatar ee soo wacday labada nin.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!