Dowlada Qatar oo Mar kale Howl-gelineeyso Dulaaliinteeda Soomaaliya Jooga!!

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Qatar oo damac Fog ka leh Soomaaliya ayaa waxaa ay soo adeegsatay Dulaaliin Soomaaliyeed kuwaasi oo ku shaqeeya amarkeeda oo kaliya islamarkaana ku sugan xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya,qeeybna ka ah Madaxda Dalka.

Danta ugu weeyn ee Qatar ayaa lagu tilmaamaa in ay tahay mid ku saleeysan cirdeeyna iyo xumeeynta cilaaqaadka Imaaraadka carabta iyo Soomaaliya ka dhaxeeya,iyado markaasi rabto in ay si fudud ku hesho dekado soomaaliya ku yaala.

Siyaasiinta ayeey qaarkood siisaa lacago joogta ah kuwa diiday damaceeda islamarkaan ogolaan waayay in ay iibsato ayeey culeeys saartay iyadoo usoo mareeysaa madaxda hada dalka maamusho.

Waxeey xoogga saareeysaa Hanashada Marti-gelinta Ciyaaraha Koobka Adduunka 2022, kadib markii dagaal dheer loo galay in la dhaafiyo laguna sunto Arga-gaxiso,taasi oo dunidu ogsoon tahay,waxeeyna Aruurstay dhalinyaro badan oo soomaali ah kuwaasi oo ay hada ku shaqeeysaneeyso.

Waxaa hadda soo baxaya warar sheegaya in la doonaayo in heshiisyo cusub loo saxiixo kuwaasi oo sii xaqiijinaya boobka dhulka kheeyraadka ku duugan oo Qatar u hanqal taageeyso.