Qatar oo kooxda Qiyaano Qaran ka dalbatay in Imaaraadka Carabta Culeeys Siyaasadeed la Saaro!!

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Qadar ayaa cadaadis ku saareysa madaxtooyada Soomaaliya ineysan la heshiin Dowladda Imaaraadka Carabta oo xiriirkoodii uu xumaaday ka dib Go’aankii dhex dhexaadka ee Soomaaliya ka qaadatay Xiisadii Khaliijka.

Warar laga helay illo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyay Mas’uuliyiin ka socota safaaradda Qadar ay ku leedahay Soomaaliya kullamo kala gooni gooni ah la qaateen madaxda ugu sareysa dalka oo uu ku jiro Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin Daahir,waxayna kala hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Labada Dowladood iyo in Dowladda Federaalka ku adkeysato go’aankii ay ka qaadata Khilaafkii Dowladaha Khaliijka ee loogu bahooba Xukuumadda Doha.

Dadka Siyaasadda Odora ayaa aaminsan in Dowladda Qadar dhaqaalo badan ku bixisay doorashadii madaxweyne Farmaajo uu ku soo baxay,islamarkaana xiriir wanaagsan la leedahay Madaxtooyada Soomaaliya kana shaqeynayo amarkeeda.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa Qadar Wakiil uga ah Dowladda Soomaaliya,maadama uu xiriir wanaagsan la leeyahay,waxaana la aamisan yahay inuu yahay ninka gaaraya go’aana arrimaha Khaliijka.