Qatar oo Dhalinyaro Da’yar ka Daabuleeyso Soomaaliya iyo Ceebta Dowladda oo Banaanka Timid

Reading Time: < 1 minute

Maalmahaan dambe waxaa baraha Bulshada qabsaday dhalinyaro safar ah oo Asxaabta iyo Ehelku leeyihiin Safar Sallaama iyo Allaha samo kugu geeyo halkaad u socoto,mana la shaacinaayo Halka uu ku wajahan yahay Qofka oo safarka ayaa Xatooyo ah

Dhalinyaro aad u farabadan ayaa muqdisho iyo Gobolada kale ee dalka laga qaadayaa waxeeyna kusii jeedaan Dalka Qatar,halkaasi oo ku gali doonan Tababar askarinimo si ay u ilaaliyaan una Difaacaan Shacabka Qadar,waa yaabe kuweeynii yaa u maqan??

Waxyaabaha Tacajabka leh waxaa ka mid ah in Dhalinyaradda la qaadaayo lagu qeeybsaday Hab qabiil oo ah 4.5 Si loo indha sarcaadiyo Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka islamarkaana loo yiraahdo xaqiina dhacsada oo soo qaata saamigiina

Qatar oo ah Dowlada leh dhaqaalle Xoogan ayaa soomaaliya waxaa ay ku leedahay saameeyn balaaran,Dowladii Hore Ee Xassan sheikh Maxamuud ayaa ka diiday Dalab ah in ay u ogolaato Dhalinyaro Qatar loo qaado islamarkaana ilaaliya Tartarka Ciyaaraha Aduunka  ee dalkaasi lagu qaban doono 2022

Mushaarku la siinaayo waxaa lagu sheegay 2500$ oo tan Hamiga qalafsan galisay Dhalinyaradda,shaqsiyan Safarkaasi waxaan u arkaa jalaafo minguurin dhaqan iyo sumad Hadii uu Askariga tababarka kusoo qaatay Qatar joogo dhowr bil halkaasi waxaa uu kaxeeysan karaa Qooyskiisa waxaana la siinayaa Deganaasho waa qeeyb ka mid ah Barakicinta Dahsoon!!

Dowladda Soomaaliya Ee hadda jirta waa ay iska indha-saabtay arinkaan waxaana dhalinyaradda lagu qaadayaa qaab qarsoodi u ek balse laga warqabo oo Ruuxii liiskaasi ku jira muqdisho marka uu ka duulo waxaa uu tagayaa  Hargeeysa halkaasi ayaana diyaaro qaas ah looga qaadayo

Magacii sharafkii iyo Karaamdii Umadda waaa ay luntay