Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Dooxa Ee Dalka Qatar ayaa waxaa uu Maanta dib Ugusoo Laabtay Dalka Waxaana Garoonka Aadan Cadde keentay Diyaarad qaas ah oo lagasoo siiyay Dalkaasi Qatar.
Dowladda Qatar oo u hanqal taageeysa Carqaladeeynta Nabadda Soomaaliya ayaa waxaa ay Hadda Abaabuleeysaa Shaqsiyaad ka Tirsan Vila Soomaaliya Kuwaasi oo kala Furfuro Midnimada Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda Si taasi loo helo,ayaa madaxweyne Farmaajo waxaa loosoo dhiibay Lacag Gaareeysa 20-MILYAN oo doolar taasi oo laagu tala galay in loo adeegsado Howshaasi.
Markii uu kazoo degay Garoonka aadan cadde waxaa keentay Diyaarad qaas ah oo waday Lacagta iyo Madaxweynaha,waxaana lacagtaani maalmaha soo socda lagu kala Gedin doonaan Magaalooyinka Maamul Goboleedyadda oo ay suura-gal tahay in Mooshin ka dhan ah madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda lagu Curiyo.
Fahad yaasiin Xaaji Daahir oo mar walbo ah Dulaalka Qatar ee soomaaliya ayaa kaalin mugleh waxaa uu ku leeyahay Imaanshiyaha Lacagtaani waxaana loo badinayaa in uu hindisaayo qaabka lacagtaan loo gaarsiin lahaa Maamul Goboleedyadda.
Dhanka kale waxaa shaki weeyn laga qabaa in Lacagtaani la kala xado maadaama ay gacanta ugu jirto shaqsiyaad uu ka mid yahay Fahad yaasiin oo Wax isdaba-marinta aad ugu dheeraaya,waxaana dhawaan muqdisho Online baahisay in Guri uu kala baxay Fahad yaasiin Lacag gaareeysa 7-MILYAN oo doolar.
Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda ayaana aqbali doonin Go’aankaani Madaxweyne Farmaajo iyo Qatar isla soo meel-dhigeen taasi oo fashil ku sii ahaan doonto Kooxda Farmaajo,waxaana markaas laga cabsanayaa in Qatar ka aamin baxdo.
Qatar ayaa la rumeeysan yahay in ay qeeyb lixaadleh ka qaadato Degaanshiyo La’aanta dalkeeyna waxaana ay si cad u taageertaa Kooxaha Argagaxisada ah ee dalkeeyna ka Dagaalamo.