Maalinkii jimacaha 13 April waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda dowladda Qatar sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.
Wafdigaan oo ay kamid ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan sidrdoonka Qatar ayaa waxaa socdaalka ku wehlinaayay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Somaliya Xasan Xamsa.
Saraakiil katirsan garoonka aadan cadde ayaa sheegay in aad loo yareeyay dhaqdhaqaaqa garoonka xilliga ay soo dageysay diyaaradda ay lasocdeen saraakiisha ka tirsan sirdoonka Qatar.
Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in safiirka Qatar iyo saraakiisha sirdoonka Qatar ee la socotay dalka soo galiyeen lacagdhan 18.5 milyan doolar.
Sida ilaha ay tilmaamayaan lacagtaan ayaa loo isticmaali doonaa in lagu soo saaro murashax ay wadato dowladda Qatar oo lagu wado in loo dhiibo jagada gudoomiyaha golaha shacabka oo uu iska casilay Mudane Jawaari.
Waxaa muuqata in dowladda Qatar oo la sheego inay iyada abuurtay xasaradaha maanta ka taagan wadama badan oo carbeed inay faraha si toos ah ugula jirto arimaha siyaasadda Somalia, taas oo dhaawaceysa in Soamlia si madax banana u qaadato go’aanadeeda siyaasadeed.
Hadaba dowladda Qatar waxaa ay taageero toos ah siisaa kooxaha argagaxisada ah sida daacish iyo ila-qacida, arrintaas oo nimaadka Qatar ka dhigtay in loo aqoonsada dowlad Fitno