Qatar  Amni oo ka Jirto Xarunta Aqalka sare  iyo  Sanatarada oo Cabsi lasoo Xaadiri La’a+Fahad yaasiin oo Diiday in Amisom la Geeyo(AQRISO)

Reading Time: < 1 minute

Warar hoose oo nasoo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in muran xoogan oo ka taagan yahay xaqiijinta amniga halka ay ku shiraan xubnaha aqalka sare taasi oo ay hada gacanta ku hayaan ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Ee NISA.

Dhowr jeer oo hore ayeey Xubnaha aqalka sare dalbadeen in Ciidamo xoogan oo AMISOM ay qeeyb ka tahay loo keeno iyagoo baqdin ka muujinaayo ciidamada ilaaliyo ee NISA kuwaasi oo ayna kalsooni ku qabin.

Sida ay Xogta ku heleeyso MUQDIHSO.ONLINE shalay Ciidamo damacsanaa in ay la wareegaan xaruntaasi ayaa loo diiday in ay ka gudbaan koontaroolka KM-0 halkaasi oo ay joogaan Ciidamada NISA waxaana amarkaasi diid-mada ah bixiyay hogaanka Hay’adda.

Ugu dambeeyn Ciidamadii ayaa goobtaasi dib uga laabtay iyagoo u dhaqaaqay dhankii ay kasoo kici-timeen,cabsi xoogan ayaa hada lagasoo warinayaa Xarunta Aqalka Sare.

MUQDISHO.ONLINE oo baaritaan hor-dhac sameeysay ayaa waxaa ay soo ogaatay in sababta AMISOM loogu diiday la wareegida Xarunta Aqalka sare ay tahay Mida uu wato Agaasime Ku Xigeenka NISA Fahad yaasiin Xaaji Daahir,Sababtoo shalay Kolkii la celinaayay Ciidamada AMISOM asiga ayaa telfoon lagula hadlay waxuuna amray in Ciidamadaasi dib loo celiyo.

Xubnaha Aqalka sare ayaa laga yaabaa in aysan Kooram-yada soo xaadirin iyagoo ka baqanaya Dayacaad amni oo ay tuhmayaan,waana sababta Kulamadooda gaabiska ka dhigtay