Qasnaddii Gobolka Banaadir oo noqotay JEEBKA RW. Kheyre (Caddeyn)

RW Xasan Cali Kheyre oo socdaalo ku maraya Gobolada Mudug iyo Galguduud ayaa ka la kulmay magaalada Gaalkacyo weji gabax kaddib markii ay maamulka Magaalada Gaalkacyo ay u diideen in uu seexdo Madaxtooyada Gaalkacyo.

HA ISKA SHAC-TIREEYO: Mid ka mid ah wasiir hore oo Puntland, Caasha Geelle waxay tiri ” Cuqdadiisa ayaa diidaneyn, oo waxaa u ogolaanay inuu sawiradiisa iska qaato, uuna shac-tireeyo dhallinyarada, intaasi wax aan aheyn ma jirin, Markii madaxtooyada loo diidayna, waa uu la noqday boorsooyinkiisii

Waxaa hadalka Caasha Geelle la qirayaa in RW Kheyre uu u yimid “Sawiro iyo shactireyn ” RW Kheyre aya ku hungoobay in uu kala fogeeyo siyaasiyiinta Gaalkacyo, walow loo ceeb qariyay oo loo ogolaaday in uu dhalinyarada isku sawiro, haddana waxa dad reer Muqdisho layaab ku noqotay kaddib markii uu RW Kheyre amray in laga bixiyo qasnada Gobolka Banaadir $240 kun oo dollar taasoo la sheegay in RW Kheyre ugu yaboohay dhismaha gurmadka garoonka Cawaale ee ku yaal magaalada Gaalkacyo.

Waxaa la wada ogsoon yahay in shacabka laga qaado canshuuraha Gobolka Banaadir ay la daalaa dhacayaan duruufo kala duwan, oo ay weliba u dheertahay amni xumo, jidadkii oo xiran & qashin daadsan waddooyinka waaweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here