Qasaare Ka Dhashay Shil Ka Dhacay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

wararka aanka heleyno degmada shibis ee gobolka banaadir ayaa sheegaya in caawa degmadaasi uu ka dhacay shil sababay qasaare nafeed.

Shilka ayaa waxa uu yimid kadib markii Gaari nooca xamuulka qaado ah uu ku dhacay Wiil Dhalinyaro ah oo watay Mooto kadibna uu Madaxa ka dardaray,sidaasina uu Wiilkii ku geeroyooday.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo siyaasada ee Maamulka degmada Shibis ee Gobolka Banaadir Maxamed Xasan Maxamuud ayaa sheegay in Shilka uu ka dhacay agagaarka Isgoyska maana-Booliyo ee degmada shibis,isla markaana Darawalkii waday Gaaria Xamuulka qaada ay Gacanta ku hayaan.

Waxa uu sheegay in Wiilkii Mootada watay uu durba Goobta ku geriyooday,isla markaana loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada muqdisho.

sikastaba ha ahaatee tirada shilalka ka dhaca magaalada muqdisho ayaa maalmihii u danbeeyay kor usii kaceysay xilli maamulka gobolka banaadir uu mamnuucay in dekeda muqdisho laga soo dajiyo mooto bajaajta