Qasaararaha ka dhashay Roobkii ka da’ay Gobolada Dalka oo sii kordhayo.

Reading Time: < 1 minute

Qasaaraha ay geysteen Roobab mahiigaan ah oo qaarkood dabeylo iyo daadad wateen ayaa sii kordhay kadib markii ay ku dhufteen degaanada Soomaalida ee Somaliland, Puntland iyo Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Gobolka Awdal ayaa sheegay in ilaa 15 qof ay dhinteen kaidb roobab dabaylo wata oo saacado badan ka da’ay Gobolka Awdal. Gudoomiyaha Gobolka Awdal Cabdraxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in tirada dhimashada guud ahaan ay tahay 15 ruux oo ku kala dhintay degmooyinka Lughaya iyo Baki.

Roobab kale mahiigaan ah oo magaalada Muqdisho maasheeyay ayuu maamulka Gobolka Banaadir shaaciyey inay ku dhinteen 6 qof, waxaana socda gurmad loogu jiro dadka ku waxyeeloobay roobabka.

Degaanada Puntland, gaar ahaan Gobolka Bari ayay Daadaku la tageen dad iyo xoolo, waxaana dadka ku dhintay degaanada Gobolka Bari ee maamulka Puntland lagu sheegay inay gaarayaan 4 qof.

Hay’adaha Saadaasha Hawada ayaa sheegaya in weli ay taagan tahay cabsida laga qabo roobab xoog leh oo Geeska Afrika ka da’a, iyagoo keeni kara Daadad waxyeelo geysta. Dalka Jabuuti ayaa roobab xoog leh oo ka da’ay waxay keeneen inay xirmaan wadooyinka magaaladaasi.