Reading Time: < 1 minute

Qarax xooggan ayaa galabta ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, dhinaca xiga Baar Bulsho.

Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa qaraxa sababay, balse warar horudhac ah ayaa sheegaya in loo maleynayo inuu fuliyey qof is-miidaamiyey.

Waxaa lagu warramayaa in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen goobjoogayaal la hadlay Muqdisho Online. Dadka waxyeelada ay gaartay ayaa lagu warramayaa in badankood ay yihiin shacab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in meesha uu qaraxu ka dhacay mararka qaar ay fariinsan jireen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa qaraxyadii ay ku fulin jirtay baabuurta waxay u muuqataa inay hadda u beddeshay kuwa is-miidaamin qofeed ah, maadaama inta badan la xiray jidadkii ay kasoo geli jireen baabuurta la qarxiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here