Qasaaraha Dhabta ah Naf Iyo Maal ee Qaraxii Soobe iyo Hotel Naasa Hablood oo La Shaaciyay

Reading Time: < 1 minute

Guddiga gurmadka qaran ee musiibadii qaraxii Isgoyska Zoobe ayaa soo bandhigay tira koobka rasmiga ee ku aadan dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii dhacay bishii October oo ay ku jiraan qaraxii isgoyska zoobe ee dhacay 14-kii bisha iyo qaraxii Hotelka Naasahablood 2 ee dhacay 28 October

Macluumaadka Guddiga soo bandhigay ayaa muujineysa in tirada dadka dhintay ay gaartay 655 ruux, sida lagu diiwaan geliyay tirakoobka dadkii la taageeray.

Macluumaadka Guddiga Gurmadka soo bandhigay ayaa muujineysa in 1,547 ruux ay yihiin agoonta laga tagay ee waalidiintooda ku waayeen qaraxii Isgoyska Zoobe.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowgii hore khasaaraha ka dhashay qaraxii weynaa ee isgoyska Zoobe ku sheegtay in dhimashada ay gaareyso 358, halka dhaawacana gaarayo 228, waxaa lagu waayay qaraxaas 56 qof.

Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe 14-kii bishii October ee sanadkii hore ayaa mid ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee soo mara caalamka