Qarixii maanta oo ay ku dhimatay 17 qof, halka 28 kalana ay ku dhaawacantay

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah oo ka soo baxay qarax xoogan oo Maanta ka dhacay Wadada gasha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay ku dhimatay 17 qof, halka 28 kalana ay ku dhaawacantay. Madaxa Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in ay  jiraan dhaawacyo u baahan in dibada loo qaado.

Qaraxaas ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa,isla markaana waxaa uu qarxay xili uu ku jiray Safka gaadiidka doonaya inay aadan dhinca Garoonka Aadan Cadde  gaar ahaan Albaabka hore ee Hotelka Afrik oo ku yaalla halkaas.

Kooxda AL Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyda qaraxaaas. War qoraal ah oo lagu daabacay Baraha Internet-ka ay ku leeyihiin Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxaas.

Ilaa iyo hadda Dowlada Fedaraalka kama hadlin qaraxa iyo dhibaatadii uu gaystay.