Qardho: Salaadiinta Puntland oo ku tilmaantay DF “waalid caruurtiisa u daran”

Reading Time: 4 minutes

Cuqaasha iyo salaadiinta reer Puntland oo aad uga walwalsan faraglinta joogtada ah oo ay dowlada Fedaraalka ku hayso Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hadlay kulan  arintaan ooga hadlayo oo lagu qabtay xarunta dhaqanka Soomaaliyeed ee  magalaada Qardho., Kulanka an oo inta badan ay goob-joog ka ahaayeen odayaasha dhaqanka ee Gobolka Karkaar ayaa waxa si toos ah  diirada lagu saaray xaalada siyaasadeed ee dalka si gaar ah xiriirka u dhaxeeya Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulada dalka ka jira, gaar ahaan dhaqdhaqaaqyada ay DF ka wado Puntland.

Kulankaan oo ah kii noociisa ee ugu horeeyay oo lagu qabtay magalada Qardho ayaa odayaasha dhaqanka waxay si qoto dheer u gorfeeyeen marxaladihii laga soo maray in dhidibada loo aasaaso dawladnimo soomaaliyeed oo dadka ay dib u heleen burburkii ka dib. Waxaa si wayn loo xusay dawrkii ay Puntland ku lahayd dadaaladaas naf-hurinimada leh.

Dadkii sida muhimka ah uga hadlay arintaan waxaa ka ka mid ahaa Islaan Mahad Islaan Maxamuud Cilmi oo ugu horayn si rasmiya u daahfurmay kulanka waxa uu ku tilmaamey in ajandaha kulankaan uu yahay sidii odayaashu ay dawrkooda u qaadan lahaayeen. Dalkaan ay masuuliyad culus ka saaran tahay diyaarna ay u yihiin wixik talo iyo aragti ah inay ku biiriyaan.

Islaan Mahad  ayaa sidoo kale sheegay  in dalkaan uu leeyahay Dastuur lagu heshiiyay. Nidaam federaal ahna uu hana-qaaday loona baahan yahay Dawlada Federaalka Madaxdeenu in ay cisiyeen kuna shaqeeyaan waxa lagu heshiiyau. Maamulada dalkana laga doonayo dawrkoodii dib u heshiisiinta iyo horumarka in ay qaadaan.

Odoyaasha dhaqanka ee Puntland ayaa waxa ay  talo ugu soo jeediyay shacabka Puntland in midnimada iyo Amniga la xoojiyo lagana digtoonaado jalaafooyinka uu Farmaajo la damacsan yahay reer Puntland. Waxa kalot ay sheegeen cidii dawlada wax ka tirsanaysana ay miiska tagaan taladooda iyo aragtidoodana dhiibtaan.

Dhanka kale   Cuqaasha Dhaqanka oo kalmado badan goobta ka jeediyay ayaa  dhamaantood waxa ay fartiin u direen Farmaajo iyo Kooxdiisa  kuwaas oo ku eedeeyay in DF in ay noqotay waalid caruurtiisa u daran oo ku tumanayo ama doonayo in uu burburiyo aqalkii caruurtiisa ku hoyanayasay. Si qoto-dheer waxay uga digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta in aan laysku tixgelin shuruucda iyo heshiisyada bulsho ee qoran. Ugu danbayn waxa ku baaqeen wax-wada qabsi iyo iskaashi.

Qaar ka mid ah dhalinyarada oo iyagu goobta ka hadlay waxa si kulul madaxda DFS ugu dhaliileen in ay wado faragelin ka dhan dawlada xubnaha ka ah dawlada dhexe. Waxay Farmaajo iyo Khayre kula taliyeen lacagaha la siyaasadaynayo in ay ka wanaagsanaan lahayn in ay ku fuliyeen mashaariicdii badnayd ee ay dhagax-dhigeen.

Dhalinyaradu waxay ka digeen dano kasto oo lagu wiiqayo Amniga iyo Wadajirka shacabka dawlada xubnaha ka ah DFS ku nool. Dadka deegaanadaasna waxay uga digeen in olole iyo dano gaar aan loo adeegsan.