Qaraxyo xalay ka dhacay magalaada Boosaaso

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari waxaa saaka ka socda Baaritaano xoogan kuwaa oo ay wadaan Ciidamada Booliska gobolka bari

Ciidamada ayaa saaka Guri ilaa  guri ubaarayo dhamaan xaafadaha Boosaaso waxaana lagu daba jiraa kooxihii xalay weeraray goobo ganacsi oo ku yaalla bartamaha magaalada Boosaaso.

Xalay ayeey aheeyd kadib markii Kooxo hubeysan ay Bam-gacmeed ku weerareen meherado,waxaana ku dhaawacmay hal qof laba qarax xalay Magaaladda Boosaaso ee gobolka bari ka dhacay.

Saraakiisha Amaanka Puntland ay sheegeen iney ku daba jiraan shaqsiyaadkii xalay Magaaladda Boosaaso qaraxyada ku weeraray.