Warar hordhac ah oo ka imaanaya degaanka Bariire ayaa sheegaya in qarax miinada dhulka laga galiyo ah uu ka dhacday degaanka Bariire oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.
Warar ka soo baxay dowlada Soomaaliya ayaa sheegya in qaraxaasi ay ku dhinteen dagaalyahano oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Dhanka kale Kooxda Al Shabaab ayaa dhankooda sheegaty in qaraxaasi uu ahaa mid lala beegsaday cidamada Soomaaliya halakaas.
Dowlada Soomaliya ayaa sheegtay in Qaraxa uu ka dhacay guri ku yaala deegaanka ay ku diyaarinayeen Qarax oo ay doonayeen inay shacabka ku dhibaateeyaan, hayeeshaan ay iyagu ku qaraxday. Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkayeen laba nin oo Meyd ah oo laga soo saaray guri ku yaala deegaanka uu ka dhacay Qaraxa.
Wixii dheeraad ah ee ku soo kordha qaraxa gadaal ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.