Xogo hoose oo ay heleyso MOL ayaa sheegaya in magaalada muqdisho ay kusoo wajahanyihiin mootooyiin laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa taasi oo lagu doonayo in lagu baabi’iyo shacabka soomaaliyeed.
Amaanka magaalada caasimada ee muqdisho ayaa maalmihii danbe faraha kasii baxaye iyadoo dowladda soomaaliya ay ka jiifatay sugida amaanka bulshada muqdisho.
Sida xogta aanku heleyno mootooyinka laga soo buuxiya waxyaabaha qarxa ayaa lagu kala sheegay mootooyinka loo yaqaano fekoonta iyo mooto bajaajta kuwaasi oo si aad ah looga isticmaalo gobolka banaadir.
Sikastaba ha ahaatee arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli aysan jirin feejignaan badan oo la xiriirta dhanka amaanka iyadoo muqdisho ay maalin waliba ay ka dhacaan falal lidi ku ah amaanka caasimada.