Qaraxyo lala beegtay Kaamirooyinka wadooyinka magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Qaraxyada xalay laga maqlay Muqdisho ayaa la sheegay in ay ahaayeen bam gacmeedyo iyo garneelada garbaha laga tuuro oo lagu weeraray fariisimo ciidan iyo tabeelayaal ay ku rakiban yihiin kaamirooyinka qarsoon ee CCTV-yadda.

Lama soo warin khasaaro nafeed ama dhaawac. Laamaha ammaanka wali kama hadlin.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhisay falalka amni darro ee ay ka geysato caasimada Muqdisho xilli hay’adaha ammaanka la geliyay heegan.

Sidan oo kale kooxda Al Shabaab ayaa hadda ka hor qarxiyay Kaamirooyinka CCTV ee ku dhagan wadada Makka Al Mukarama.