Qaraxyo lagu weeraray Ciimado ku sugnaa Gobolka Shabeellada Hoose

Reading Time: < 1 minute
Wararka ka imaanada degaano ka tirsan Gobolka Shabellada Hoose ayaa sheegaya in galinkii dambe ee shalay in Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya qarxa lagula eegtay deegaanka Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararaka yaa intaas ku daraya in qaraxaasi uu uu ahaa Miino dhulka lagu aasay, isla markaana lala eegtay gaari booyad ah oo Ciidanka dowlada u siday Shidaal,kaasi oo socdaal ku marayay duleedka Warmaxan ee Shabeellaha Hoose.Dad ku sugan Warmaxan ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlyeen jugata qaraxa,iyagoo sidoo kale sheegay inay uu ka dhashay Khasaaro Nafeed.

Ugu yaraan 2 askari  ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen qaraxaas,kuwaasi oo la socday gaariga uu qaraxa haleelay ee Booyada ahaa,isla markaana uu soo gaaray burbur xoogan.

Waxaa weerarkaas durbadiiba sheegatya Al-shabaab