Qaraxyo lagu burburiyey dukaan amarka dowladda loogu xiray CCTV

Reading Time: < 1 minute

 Labo qarax oo xalay ka dhacay suuqa Bakaaraha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sababay burbur soo gaarey xarun ganacsi oo si gaar ah loo leeyahay, sidda ay sheegeen illo amni.

Goobtan la beegsaday ayaa waxay aheyd mehrad lagu iibiyo agabka elektaroonika waxaana lagu magacaabaa LG, sidda laga soo xigtay goobjoogeyaal iyo saraakiil laamaha ammaanka ah.

Beegsiga goobaha ganacsiga ayaa kusoo badanayay Muqdisho dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay sababo ku aadan in ay dukaankooda ku xireen kaamirooyinkii qarsoon ee CCTV kuwaas oo ay amartey hay’adda NISA.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo illaa haatan kasoo baxay Hay’addaha Ammaanka hase ahaatee way ka gaabsadeen isku-day xiriir oo ay la sameysay Warbaahinta Garowe Online.

Falalkan ayaa imaanaya xilli ugu yaraan laba qarax oo kala duwan laga soo sheegay gudaha Soomaaliya maalinta Axadii, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo kala duwan.

Magaalada Muqdisho, qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay dhanka koonfureed ee magaalada, waxaana ka dhashay khasaare aan la cayimin oo illo kala duwan laga helay.

Balse Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana ay xustay in ay beegsatay xero ay joogeen ciidamada uu tababaray Turkiga dileenna “60 askari”.

Balse ma jiraan illo si madax-banaan u xaqiijinaya sheegashaddan.

Dhanka kale, Magaalada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ayaa waxaa ku dhintay labo qof, labo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii bam lagu weeraray dad shacab ah oo geed hoos fadhiya.

Dhinaca kale, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in howlgal cusub oo aroornimadii Axadii ka dhacay meel u dhow deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan lagu dilay tobonaan maleeshiyo ah.