Waxaa goor dhaw laga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Gobolka Banaadir dhawaaqa qarax iyo israasaaseyn xoogan.
Wararka hordhaca ee aan helayno ayaa sheegaya in qarxayada lala eegtay Xarunta Gobolka Banaadir iyo suuqa weyn ee loo yaqaano Muqdisho Mall.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo gaadiidka gurmadka deg degga ah ayaa goobta gaaray, si ay u gurmad ugu sameeyaan dadka ay waxyeelada soo gaartay.
Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana jiro dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarkan loo adeegsaday qaraxa.
Warar dheeraad ah naga filo dhawaan