Qaraxyo isdaba Joog ah oo ka dhacay Muqadishu (video)

Reading Time: < 1 minute

Labo Qaraxa oo isbada joog ah ayaa ka dhacay Muqdisho kan koowaad ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya xilli uu Maanta kulan lahaa Golaha Shacabka.

Qaraxa labaad wuxuu ka dhacay Koontaroolka Jidka Garoonka Aadan Cadde ee u dhow Isgoyska Nambar afar.

Sida dad goob joogayaal ah ee ay u xaqiijiyeen Muqdisho Online, qaraxa ka dhacay Koontaroolkaas ayaa yimid kadib markii Baabuur Noha ah oo lagu soo xiray waxyaabaha qarxa uu damcay inuu ka gudbo halkaas.

Sida wararka sheegayaan ninka waday gaariga ayaa kasoo dagay, wuxuuna Ciidamada u sheegay inuu doonayo garoonka balse intii uu wadahadalka socday ayaa waxaa jug qarax loo maleenayo inay Batriga tahay laga maqlay gaarigiisa taasoo keentay inay Ciidamada Dowladda rasaas la dhacaan Gaariga.

Gaariga ayaa markii dambe qarxay, waxaana qaraxaas laga maqlay guud ahaan Magaalada Muqdisho.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay qaraxyada ka dhacay Muqdisho, ilaa haddana lama hayo tiro rasmi ah.

Warar dheeraad ah gadaal ayaan idinkaga soo sheegaynaa

Video