Qaraxii shanaad oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho – tirada dhimashada

Reading Time: < 1 minute

Askar ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ku geeriyootay Qarax Miino oo maanta ka dhacay Jidka Warshaddaha ee Muqdisho.

Qaraxaan ayaa la geliyay goob ay fadhiistaan ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ciidanka Booliska oo ku taalla Warshaddaha gaar ahaan Eveco.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in ugu yaraan 7 Askari oo Ciidanka dowladda ka tirsan ay ku geeriyoodeen Qaraxaasi.

Waa Qaraxii Shanaad ee maanta ka dhaca Magaalada Muqdisho.