Qaraxa miinada dhulka oo khasaaro geystay ayaa ka dhacay magaaladda Marka

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose gaaar ahaan magaalada Marka ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax khasaaro geystay waxaana ka soo baxaya fah faahino dheeraad ah. Qaraxa oo ahaa Miino nuuca dhulka lagu aasa ah ayaa ka dhacay goob Qaadka lagu Iibiyo oo ku taalla bartamaha magaalada Marka ee gobolak Shabeellaha Hoose.

Dhanka kale goobjoogayaal ayaa ku waramay in xilliga qaraxu dhacayay Suuqu uu ahaa mid aad u mashquul badan,islamarkaana Miinada lagu qarxiyay ciidamo hubeysanaa oo Qaad ka gadanayay halkaasi. Inta la xaqiijiyay ilaa iyo haatan 3-Qof ayaa ku dhaawacnatay,waxaana goobta soo gaaray ciidamo kale oo ka tirsan kuwa ammaanka oo rasaas riday,dadkana kala eryay.