Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, sida ay goobjoogeyaal u xaqiijiyeen MOL.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan oo laga maqlayo meelo badan oo magaalada ka mid ah ayaa ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo lala beegsaday kolnyo ka tirsan ciidamada Amisom oo ka yimid dhanka Villa Baydhaba, sida aan xogta ku helnay.

Goobjoogeyaal ayaa MOL u xaqiijiyey inuu jiro khasaare nafeed oo isugu jira dhimash iyo dhaawac, balse weli lama xaqiijin karo tirada rasmiga ah.

Qaraxa ayaa yimid saacado kadib markii qarax kale uu maanta ka dhacay Wadada Ceelqalow ee laamiga isku xira Isgoysyada Dan-Wadaagaha iyo Soobe, kaasi oo ahaa nooca miinada ah.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday Ciidamo ku sugnaa agagaarka Ceelqalow, kuwaasi oo kamid ah kuwa dowladda Hoose ee Xamar ee lacagta canshuurta uga qaada Bajaajta.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa ay ku dhaawacmeen Saddex kamid ah askarta lala eegtay, oo dhaawacooda loo qaaday mid kamid ah Isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho, oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

Illaa hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda labada qarax, hase yeeshe waxaa qaraxyada noocan ah inta badan fulisay kooxda Al-Shabaab.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!