Qarax xoogan oo sababay khasaaro oo ka dhacay Degamada Bardaale

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo ay soo kordhaysa qaraxayada lala eegto ciidamda Itoobiya iyo kuwa dowlada fedraalka ayaa wararka ka imaanaya Degmada Bardaale oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa ku sheegaya in daqiiqado kahor uu ka dhacay Qarax sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Miino nooca dhulka lagu aasay,isla markaana waxaa lala eegtay Gaari nooca dagaalka oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo marayay bartamaha Degmada Bardaale.

Ugu yaraan laba Askari ayaa ku geeriyootay qaraxaas,halka laba kalena ay ku dhaawacmee,kuwaasi oo la socday gaariga uu qaraxa haleelay.

Dadka deegaanka Degmada Bardaale ayaa soo sheegaya in qaraxa askartii ku dhaawacantay loo qaaday Isbitaalka weyn ee Magaalada Baydhabo.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in xaalada degmada ay haatan tahay mid degan,waxaana halkaasi howlgalo kala duwan ka  wada Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmadaas.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegtayay Mas’uuliyadii qaraxii ka dhacay Degmada Bardaale ee Gobolka Baay. Degaanka bardaale ayaa waxa ku sugan ciidamo ka amar qatar sheiikh Mukhtaar Roobow oo ka soo jeedo deegaanka Bardaale.