Qarax Xoogan oo Maanta Ka Dhacay Wanlaweyn Iyo Faahfaahin Kaso Baxaya

Reading Time: < 1 minute

Wararka inaga soo gaaraya degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Qarax Miino ayaa duhurnimadii maanta ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya lagula eegtay meel u dhaw degmadaasi.

Qaraxan ayaa si gaar ah uga dhacay meel 8 KM ujirta degmada Wanlaweyn, waxaana ay u dhaxeysaa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye, gaar ahaan waxay bariga ka xigtaa Wanlaweyn.

Gaariga uu qaraxa qabsaday ayaa waxa uu ka soo baxay saldhiga ciidanka Kummaandooska ay ku leeyihiin degaanka Balidoogle, iyada oo uu ku soo jeeday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda degmada Wanlaweyn ayaa waxa uu sheegay in qaraxan ay ku dhinteen 10 askari, halka ay ku dhaawacmeen ilaa laba kale.

Dadka dhintay ayuu Guddoomiye kuxigeenku sheegay inuu ku jiro Taliye Horin oo Guutada 6-aad Taliye ka ahaa, kaasi oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Maxamed Cadoow.

Dhammaan askarta wax ku noqotay qaraxan ayaa waxaa la geeyay xerada Balidoogle, si kuwa dhaawaca soo gaaray xaaladooda caafimaad loola tacaalo.