Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho iyo khasaae ka dhashay

Reading Time: < 1 minute

Qaraxa loo adeegsaday gaari lagu soo buuxiyay waxyaabaha qarxa  ayaa goordhow waxaa uu  ka dhacay Dugsi Sare ee Banaadir oo ku dhow Madaxtooyadii hore Cabdi-Qaasim ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha ammmaanka.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim oo ku taalla degmada Hodan, waxaana jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay halkaasi.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in qaraxan uu saameyn xoogan ku yeeshay ardayda dhigata dugsiga sare ee Banaadir oo ku yaalla halkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!