Qarax xoogan oo ka dhacay Maxkamada Bosaso

Reading Time: < 1 minute

Sida la xaqiijiyay 8 qof ayaa ku dhaawacmay qarax xoog leh oo ka dhacay afaafka hore ee Maxkamada derejeda kowaad ee Gobolka Bari ee Magaaladda Bosaso.

Qaraxan oo lala eegtay gaariga guddoomiyaha Maxkamada Abukar Cabdinuur ayaa dadka ku dhaawacmay waxaa ka mid ah garsoore, Taliyihiin Ilaalada Maxkamada, ciidamo iyo haween ku ganacsanayay irirada hore ee Maxkamada.

Guddoomiyaha Maxkamada Mudane Abukar Cabdinuur ayaa ku sugan caasimadda Garoowe, halkaasi oo uu howlo shaqo u joogo

Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa la dhigay cusbitaalka guud ee Magaalada, waxaana wararku sheegaya in labo ka mid ah dhaawaca ay xaaladoodu halis tahay.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyada weerarkaasi, sidoo kale ma jiro war ka soo baxay dhinaca dowladda Puntland oo ku saabsan qarax ka dhacay Maxkamada.

Dhinaca kale, Qaraxa lala beegsaday ayaa imaanaya iyadoo toddobaadkii hore, Maxkamada ciidamada ee Puntland ay xukumo dil iyo xabsiyo ku xukuntay rag lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Kooxda Alshabaab ee dagaalka kula jirto dowladda Puntland.