Qarax xoogan oo ka dhacay Hotelka Afrik ee Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Jugta qarax xoog leh ayaa laga maqlay Magaalada Muqdisho gaar ahaanna waddada isku xirta Airport Aadan Cadde iyo Isgoyska KM4.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Gaari gudaha Hotelka galay halkaas oo ay ku taallo kaalin shidaal islamarkaana sababtay dab xoog leh.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in lala beegsaday Hotelka Afrik oo ku yaalla inta u dhaxeysa Waddada aadda Garoonka Aadan Cadde iyo Isgoyska KM4.

Waxaa sidoo kale goobta ka dhow bar koontarool oo ay Ciidamada ka sugaan amniga Garoonka Aadan Cadde.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay in qaraxa lala beegsaday hotelka hayeeshee aysan hayn khasaaraha ka dhashay.