Qarax Xoogan oo Caawa ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax si weyn looga maqlay magaalada oo dhan.

Goobjooge ay Muqdisho Online kala xiriirtay magaalada Boosaaso ayaa noo sheegay in qaraxaas uu ahaa nooca miinada, isla markaas lala eegtay guriga taliyaha ciidanka Buuraleyda Gal-Gala, G/Sare Qadaafi. Qaraxaan ayaa dhacay waqti dambe oo ay dadku hurdaan.

Ma cadda  ilaa iyo hadda qasaaraha uu geystay qaraxaas, waxaase la sheegayaa in ay jiraan dhaawacyo loo qaaday Isbiaalada magaalada Boosaaso.

Wixii ku soo kordho qaraxaas kala soco Muqdisho Online