Qarax xoog leh oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Qarax xoog leh ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada aada dhinaca garoonka Aadan Cadde.

Qaraxa oo noociisa lagu sheegay miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa ka dhacay meel aad ugu dhaw Hotelka Afrik, welina ma cadda cidda lagu bartilmaameedsaday.

Illaa hadda lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay qaraxaas, sidoo kale warar kala duwan ayaa ka soo baxaya bartilmaameedka qaraxaas.

Faah-faahin dhameystiran goordhaw kala soco MOL Insha Allaah.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!