Qarax xalay lagu weeraray guri uu-daganaa sarkaal ciidan-Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Waxaa xalay saqdii dhaxe magaalada Muqdisho qeybo kamid ah si weyn looga maqlay jugta qarax xooggan, qaraxan ayaana la sheegay in uu ka dhacay guri kuyaalla waaxda Kacaan ee degmada Hodan.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa ayaa ka dhacay guri kuyaalla degmada Hodan uu deganaa sargaal katirsanaa ciidanka xoogga, guriga sargaalka ayaana lagu xiray qaraxa miino kaddibna la qarxiyay.

Qaraxa miino ee lagu xiray guriga sargaalka ciidan ayaa la sheegay in uusan ka dhalan wax khasaaro nafeed ah, waxaana la sheegay sargaalka la doonayay in qaraxa lagu waxyeeleeyo uu ka maqnaa guriga xilliga uu qaraxa dhacayay.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray guriga qaraxa lagu xiray, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaanno aan ilaa hadda dad loo soo qaban , mana jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyada qaraxan.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya qaraxyada miino ee lagu xirayo guryaha ay degan yihiin saraakiisha iyo dadka u shaqeeya dowladda, qaraxyada nuucan ayaana horey uga dhacay qeybo kamid ah caasimadda.