Qarax weyn oo laga maqlay Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahinta laga helay

Reading Time: < 1 minute

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax goor dhoweyd ka dhacay caasimadda, gaar ahaan agagaarka Km4.

Qaraxa oo laga maqlay inta badan magaalada ayaa faahfaahinta laga helay waxay sheegeysaa inuu ahaa Miino la dhigay meel u dhow Isgoyska KM4, waxayna qaraxay, iyadoo ay ciidamada Amniga xireen goobta markii dad shacab ah ay ku wargeliyeen inay arkeen Miinada.

Qaraxa ayaa dhacay intii aysan goobta soo gaarin kooxda miino-baarista, mana jirin wax qasaare ah oo ka dhashay, kadib markii goobta Miinada la dhigay ay xireen ciidamada oona diiday dadka iyo gaadiidka.

Wixii soo kordha naga filo goor dhow…