Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah oo ka dhacay Jowhar

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya gobolka shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in qarax miino uu haleelay Mooto ay saarnaayeen dad shacab ah oo maraysay nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.

Inta la xaqiijiyay Afar qof oo mootada saarnaa ayaa ku dhintay qarax oo haleelay guud ahaan moota. Warbaahunta ku sugna Johwar ayaa soo sheegaya in afarta ee geeriyootay ay ahaayeen ganacsatada Hilibka geela iibiya.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi waxaa ay ku darayaan inta uuusan qaraxa dhicin ay goobta mareen xubno ka mid ah guddiga doorashooyinka Hirshabelle, kuwaasi oo ku sii jeeda Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Iyo taliska Booliska Hirshabeelle.