Qarax saakay ka dhacay xaafada Daarulsalaam ee Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Waxaa saakay ka dhacay qaraxa nooca miinada ah wadada Daarulsalaam ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare isugu jiri dhimashi iyo dhaawac. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan lala bartilmaameedsaday guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadde ee maamulka degmada Dayniile, Cabdi Maxamed Maxamuud, kaas oo lasoo wariyey dhaawac culus uu kasoo gaaray qaraxaasi, kaas oo u dhintay

Warka ayaa intaas ku daray inay jirto dhimasho ka dhalatay qaraxan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amnmaanka Soomaaliya. Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa aad u kacsan, waxaana socda gurmad deg-deg ah oo loo fidinayo dadka ay waxyeelada kasoo gaartay miinadaasi.