


Wararka inaga soo gaaraya degmada Deyniile ayaa sheegaya in Qarax xoogan uu ka dhacay guri ku yaala xaafada Raadeerka, sida uu inoo xaqiijiyay goobjooge ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay.
Goobjooge ku sugan xaafada Raadeeerka ayaa xaqiijiyay in Qarax uu ka dhex dhacay guri ku yaala xaafadaasi, waxuuna sheegay in Qaraxa uu ka dhex dhecay gudaha gurigaasi.
Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday Qaraxa hal qof kaasi oo la sheegay inuu ahaa ruux ku sugnaa guriga uu Qaraxa ka dhacay.
Sidookale waxaa soo baxaya warar kala duwan kuwaasi oo sheegaya in shaqsiga Qaraxa ku dhintay uu ahaa shaqsi diyaarinayay Qaraxa, islamarkaana uu markii danbe isaga ku qarxay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Deyniile ayaa gaaray guriga uu Qaraxa ka dhacay waxayna ka wadaan baaritaano ay ku ogaanayan waxa sababay Qaraxa.