Qarax Miino oo Sababay Qasaaro Kala Duwan oo Lala Egtay Suuq Ku Yaala Buula-mareer

Reading Time: < 1 minute

Wararka inaga soo gaaraya degaanka Buula-mareer oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose aya shegaya in Qarax Miino uu galabta ka dhacay Degaankasi.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla degaanka Buula-mareer.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku geeryootay 4 qof halka ay ku dhaawacmeen 5 qof oo kale, kuwaasi oo dhammaantood ahaa shacab.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Kunturwaarey oo ka mid ahaa dadka gurmadka sameynayay ayaa sheegay “Walaal qarax Miino oo ahaa nuuca rumuudka ayaa lala eegtay Suuq xoolaha, shacab ayaa khasaare lagu gaarsiiyay, sidoo kale 5 neef oo xoolo ah ayaa qaraxan uu dilay, waxaan wadnaa baaritaano aan ku soo qabaneyno nimanka falkan geystay.”

Qaraxyada ka dhaca Shabeelaha Hoose aya sii kordhaya Malmahan iyado dhawaan qarax dhacay uu galaafay nolosha 20-quf,halka tira kala ee halkasi ku dhawacmeen.