Qarax miino oo ka dhacay degmada Kaxda

Reading Time: < 1 minute

Waxaa saakay ka dhacay degmada Kaxda oo ka tirsan Gobolka Banadir Qarax xoogan oo kaasi oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka ku dhow degmada Kaxda.

Waxa ay sheegeen dad ku dhawaa halka Qaraxa ka dhacay in qaraxaas ahaa miino nooca dhulka lagu aaso. Qaraxa ayaa lala eegtay gaari nooca Soomaalida u taqaano SURF oo ay la socdeen saddex ruux, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho.

Qaraxa ayaana la sheegyaa in ay ku dhinteen laba Nin oo Injineero ahaa iyo Darawalkii ku waday gaari oo lagu sheegay inuu ahaa Askari, kuwaasi oo ku sii jeeday goob ay ka socotay dhimso Guri, waxaana ku dhaawacantay Haweeney wadada mareysay,

Ciidamo ka tirsan dowladda Feeraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka degmada ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana sameeyay baaritaano ku aadan qaraxa, iyagoona halkaas ka qaaday Meydadka dadka dhintay.

Ilaa iyo hada ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomnaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxaas khasaaraha geystay ee Maanta ka dhacay qeyb kamid ah degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.