Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya lagu soo warramayaa in goor dhow qarax xoogan lagula eegtay degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.
Wararka ka imanaya magaalada muqdisho aya shegaya in goordhaw qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaaliya.
Qaraxan aya ka dhacay Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir waxana qaraxu uu aha Miinada Dhulka lagu aaso iyado lala eegtay Gaari Kaarib ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo marayay agagaarka Miisaanka Dhuxusha ee degmadaasi.
Qaraxan aya la shegay in uu ku geeriyooday hal askari oo ka tirsana ciidanka Dowlada,waxana ku dhawacmay ila Afar Ruux oo ka mid aha dadka deganka oo halkasi ka agdhawaa.
Al shabaab aya inta badan qarax la eegta gaadidka ay wataan ciidanka dowlada iyo Xubnaha la shaqeeya dowlada,iyado xalada aman ee muqdisho laga cabsi qabo qaraxyo ay fuliyan kooxda al shabaab.