Wararka ka imanaya Gobolka Hiiran aya shegaya in Qarax miino uu qabsaday dad shacab aha oo ku sugnaa Degmada Buuloburde ee Gobolkaasi.
Ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhimatay Qarax ka dhacay degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta degmadaasi.
Qaraxaan oo ahaa Miinadda Nuuca dhulka lagu Aaso ayaa la sheegay in ay la kacday dad Shacab ah oo la sheegay in qaarkood ay saarneeyeen gaari Dameer.
Dadka uu Qaraxu haleelay ayaa kusii jeeday degaanka Buqaqable ee gobolka Hiiraan, waxana ay ka tageen degmada Buuloburde,Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira Hooyo iyo Afar Carruur ah oo ay dhashay.
Maamulka Buuloburde ayaa xaqiijiyay dhimashadda dadkaan, waxaana uu sheegay in Shabaab ay bilaabeen in ay wadooyinka ku Aasaan Miinooyin ka dib markii uu xoogeystay howlgallada ka dhanka ah.