Qarax Miino oo Duledka Muqdisho Lagula Eegtay Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowlada

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax degaanka Weedow ee duleedka magaalada Muqdisho lagula eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo saarnaa gaari nuuca dagaalka ah.

Qaraxan oo la sheegay nuuciisa in uu ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa ciidanka waxa uu ku qabsaday agagaarka Labaajadda degaankaasi.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay markii qaraxaasi uu dhacay in ciidamada dowladd ay xireen wadada, islamarkaana la ogaankarin Khasaaraha ka dhashay.

Dadka degaanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in gaariga uu ka yimid dhanka Shabeellaha Hoose, islamarkaana uu kusoo jeeday Magaalada Muqdisho.