Qarax miino ah oo lala beegtay askar ka tirsan ciidamada DFS

Reading Time: < 1 minute

Qarax miino ayaa waxaa lala eegtay mooto ay saarnaayeen askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo marayay inta Deegaanka Mareeray iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjoogayaal u sheegay werbaahinta in qaraxa ay ku dhaawacmeen 2 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada iyo kan maamulka gobolka Shabeellada Hoose.

Deegaanada ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo iyo weeraro toos ah oo Al-shabaab ay ka fuliyaan gobolkaasi