Faah-faahino Dheeraad ah ayaa kasoo baxayo Qarax nuuciisu yahay miinada Dhulka lagu aaso oo ka dhacay Degmada Deeyniile ee Gobolka Banaadir. Goobjogayaal ayaa sheegay in Qarax oo ahaa minada dhulka lagu aaso uu ka dhacay ilinka hore garaashka EVECO ee degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Wararka Qaar ayaa sheegaya in Qaraxa oo ka dhacay Goob ay fadhiisan jireen Ciidamada Minishiibiyada uusan sababin Wax khasaare ah. Laamaha Amaanka Degmada Deyniile wali kama aysan hadlin Qaraxa.