Qarax labaad ayaa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Qaraxa ayaa ka dhacay qeybta Galmudug gaar ahaan xarunta Xerta Wadaadka Sheekh Cabdiweli.
Qaraxa labaad ayaa la sheegay in uu ka dhacay Gudaha xarunta xilli saakay Aroortii weerar iyo Qaraxyo lagu qaaday xarunta.
Qaraxyadda Gaalkacyo waxaa ka dhashay Khasaare Ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.
Gurmadka dadka ay waxyeelado soo gaartay ayaa hadda socota , xilli gudaha ay ka socota rasaas.