Qarax maanta lagu fashiliyay magaaladda Dhuusamareeb

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegeeen talista Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Galmudug waxaa saakay la fashiliyay qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo la sheegay in la doonayay in dadka lagu dhibaateeyo. Saraakiil ka tirsan Booliska Galmudug ayaa tilmaamay in qaraxaas miinada ahaa la geliyay Bar koontarool oo ay Ciidanka ammaanka Maamulka ay ku leeyihin gudaha Magaalada.

Taliye ku-xigenka Saldhigga Dhuusmareeb Cabdixakin Cali Shidane oo warbaahinta la hadlaayay ayaa sheegay in laamaha amniga ay ku guuleysteen inay soo saaran miinada oo aan qarxin, isla markaana xusay in la doonayay in shacabka lagu dhibaateeyo. Wararkii ugu dambeeyay ee helayo ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska Maamulka ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga, xili halkaas lagu qabanayo Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!